Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Qaraxyo ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir

War Deg Deg ah:- Qaraxyo ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir

Muqdisho–KNN– Labo Qarax oo ah Miinada dhulka lagu Aaso ayaa ka Caawa ka dhacay Maqaayad lagu Magacaabo Waayaabee oo ku taala Xaafadda Tarabuunka Ee Degmada Hodan,waxaana la sheegay in Maqaayadda ay aheyd mid ay fariistaan Ciidan iyo Shacab intaba.

Ku dhawaad 10 Qof ayaa Dhimasho iyo Dhaawac ay ka soo gaartay Qaraxyada Miino ee Caawa ka dhacay Maqaayadda ku taalla Tarabuunka.

Ciidamada Amniga ayaa goobta Xiray,waxaana halkaas ay ka wadaan Baaritaano,iyadoo Gaadiidka Gurmadka deg Dega ah ay qaadeen Dadkii ay Dhimashada iyo dhaawacu uu ka soo gaaray.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top