Home / Somali News / Ciidamada gadoodsan ee Ivory Coast oo sii daayay wasiirka gaashaandhiga oo ay qafaasheen

Ciidamada gadoodsan ee Ivory Coast oo sii daayay wasiirka gaashaandhiga oo ay qafaasheen

Ciidamo gadoodsan oo haysta magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ivory Coast ayaa sii daayay wasiirka gaashaandhiga dalkaasi oo ay heysteen muddo 2 saac ka badan.

Wasiirka gaashaandhiga dalka Ivory Coast Alain Richard Donwahi ayaa u tagay magaalada ay ciidamadaas haystaan wada xaajood uu la galo hase ahaatee inta amarkiisa diideen ayay xirteen.

Warbaahinta dawlada ayaa laga baahiyay in wasiirka uu hadda bad qabo oo uu ku sugan yahay meel amaan ah.

Ciidamada gadoodsan ee qabsaday magaalada labaad ee Ivory Coast ee Bawkee ayaa dalbanaya in la siiyo lacag dhan 8 kun oo dollar iyo min hal guri.

M/weynaha Ivory Coast Al-Xasan Watara ayaa dalbaday in ciidamadu xeryahooda dib ugu laabtaan cabashadoodana wax laga qabanayo.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top