Home / Somali News / Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay Mooto ay saaranyihiin Walxaha Qarxa

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay Mooto ay saaranyihiin Walxaha Qarxa

Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka ayaa degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose ku qabtay Mooto ay saarnaayeen walxaha Qarxa. Sida ay SONNA u sheegeen saraakiil ka tirsan NISA.

Mootadaan oo ahayd nuuca loo yaqaano Dhugdhugleyda ayaa waxaa saarnaa walxaha Qarxa oo ay ka mid ahaayeen Jaakado ay Qaraxyo ku xiranyihiin.

Saraakiisha NISA ayaa SONNA u sheegay in gacanta lagu haayo hadda Mootada iyo Ninkii waday, waxayna sidoo kale ay sheegeen inay baaritaano socdaan.

Faah-faahin intaasi ka badan ma aysan bixin saraakiisha hay’adda Nabad Sugidda Qaranka.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top