Home / Somali News / Galmudug oo sheegtay in ay Qabatay Doon Kaluumeysi

Galmudug oo sheegtay in ay Qabatay Doon Kaluumeysi

Hobyo–KNN– Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Ciidanka Illaaliya Xeebaha Gobolka Mudug Ee Galmudug ay Gacanta ku dhigeen Doon laga leeyahay Wadanka yemen iyo Shaqaalihii Saarnaa,waxaana ay sheegeen in si sharci daro ah ay uga Kaluumeysanayeen Xeebaha Soomaaliya.

Saraakiil u hadlay wasaaradda Kaluumeysiga Galmudug ayaa sheegay in Dadka saarnaa Doonta ay ku dhaw yihiin illaa 30 Ruux islamarkaana ay ku jiraan Labo Dhaawac ah oo ay haleeshay Rasaas ay ku rideen Doonta Ciidamada Badda Galmudug Xilli ay doonayeen in ay Baxsadaan.

Sargaalka u hadlay Wasaaradda Kaluumeysiga Galmudug ayaa sheegay in ay dhawaan Sharciga soo taagi doonaan Ajaanibta lagu qabtay iyagoo si aan sharci aheyn uga Jilaabanaya Xeebaha Soomaaliya.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top