Home / Somali News / Qarax ay Daacish sheegteen oo ka dhacay Caasimada Ciraaq

Qarax ay Daacish sheegteen oo ka dhacay Caasimada Ciraaq

In ka badan 10 ruux ayaa ku naf waayay qarax ka dhashay gaari la miineeyay oo ka dhacay xaafad ay ku badan yihiin dadka Shiicada ah oo ku taala magaalada Baqdad ee xarunta dalka Ciraaq.

Warar laga helayo xarumaha caafimaadka ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhawacmeen 50 ruux oo rayid ah.

Qaraxa oo ahaa mid ayaa lala eegtay suuq qudaarta lagu iibiyo oo ka yaala degmada Jamiila la yiraahdo ee Baqdad ku taala oo ah xaafad dadka degen ay u badan yihiin dadka Shiicada ah .

Warbaahinta dalka Ciraaq ayaa shaaciyay in dadka ku geeriyooday qaraxaas ay gaarayaan 12 ruux halka dhaawacyado ay gaarayaan kontomeeyo ruux.

Kooxda isku magacawday khilaafadda Islamka ee Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas waaxaana war lagu baahiyay warbaahinta Daacish lagu sheegay in qaraxaas uu fuliyay qof is miidaamiyay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top