Home / Somali News / War Deg Deg ah:- Mooshin Xilka qaadis ah oo laga keenay Madaxweynaha Galmudug

War Deg Deg ah:- Mooshin Xilka qaadis ah oo laga keenay Madaxweynaha Galmudug

Cadaado–KNN–Kulan aan Caadi aheyn oo Qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug ay Goor dhaw ku yeesheen Magaalada Cadaado ayey uga hadleen Xaaladda Adag ee dhanka Abaaraha iyo Siyaasadda ee ka jirta Degaanada Galmudug.

Kulanka Baarlamaanka oo ka dhacay Magaalada Cadaado ayaa waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed,waxaana Ajendeyaasha ka mid ahaa Mooshin Xilka qaadis ah oo ay ka keeneen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

46 Xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa u Codeeyay in Mooshin Xilka qaadis ah laga keeno Madaxweynaha Galmudug,waxaana Diiday Hal Mudane halka mid kale uu ka aamusay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Shalay Joojiyay Dhamaan Shaqada hay’adda Dowladda Galmudug,waxaana muuqata inuu jiro Khilaaf Xoogan oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo qaar kamid ah Baarlamaanka Galmudug.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top