Home / Somali News / Madaxweynaha Hirshabeelle oo Xilalkii ka qaaday Guddoomiyaha Baledweyne iyo Kuxigeenkiisa

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Xilalkii ka qaaday Guddoomiyaha Baledweyne iyo Kuxigeenkiisa

Baledweyne–KNN– Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa Maanta Xilalkii ka qaaday Guddoomiyaha Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan Macalin Cismaan Qalafoow iyo Kuxigeenkiisii Muuse Cabdi Daahir.

Cali C/llaahi Cosoble Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sidoo kale Magacaabay Guddoomiyaha Magaalada Baledweyne iyo Kuxigeenkiisa,waxaana uu Guddoomiye u Magacaabay Mudane Maxamed Axmed Ibraahim Foodcadde,halka uu ku Xigeenkiisa ka dhigay Qadar Xasan Afrax.

Dhanka kale Madaxweyne Cosoble ayaa Xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan,iyadoo uu Mas’uul Cusub ku badalay.

Madaxweyne Cosoble ayaa horay Xilkii uga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf dabageed,waxaana uu ku badaay Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

 

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top