Home / Somali News / Baarlamaanka Galmudug oo u Fadhiya Mooshin ay Xilka kaga qaadayaan Madaxweyne Guuleed

Baarlamaanka Galmudug oo u Fadhiya Mooshin ay Xilka kaga qaadayaan Madaxweyne Guuleed

Cadaado–KNN--Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug oo Kulan ku leh Magaalada Cadaado ayaa hadda u fadhiya Mooshinkii ay ka keeneen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada Shirsan ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed,waxaana Wararku ay sheegayaan in Baarlamaanka ay Cod u qaadi doonaan Mooshinka Xilka qaadista ah ee ay ka keeneen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Dhanka kale waxaa ka jirta Magaalada Cadaado Xiisad ka dhalatay Arrintaas,iyadoo Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda ay diideen in Baarlamaanku uu kulmo,halka kuwo Boolis ah ay ilaalinayaan Kulanka Xildhibaanadu ay leeyihiin.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top