Home / Somali News / Baarlamaanka Galmudug oo Xilkii ka qaaday Madaxweyne C/kariin Guuleed

Baarlamaanka Galmudug oo Xilkii ka qaaday Madaxweyne C/kariin Guuleed

Cadaado–KNN–Kulan ay Maanta ku yeesheen Magaalada Cadaado Xildhibaanno gaaraya 54 Mudane oo kamida Baarlamaanka Galmudug ayey ku sheegeen in Xilkii ay ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada 54-ta ah ayaa isku raacay in Kalsoonidii ay kala noqdeen Madaxweynaha Galmudug C.kariin Guuleed oo ay ku Eedeeyeen inuu ku fashilmay Hogaaminta Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo Wareysi siiyay Radio Kulmiye ayaa sheegay in waxii ka dhacay Magaalada Cadaado ay yihiin Fowdo iyo Sharci daro  islamarkaana uusan Aqbaleyn waxii ka soo baxay Magaalada Cadaado.

Madaxweyne Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in Fowdada ay soo abaabuleen Dad Cadaw ku ah Reer Galmudug.

Hayeeshee waxaan la ogeyn halka ay ku Dambeyn doonto Arrinta ka taagan Galmudug ee ku saabsan Baarlamaanka kalsoonida kala laabtay Madaxweynaha Galmudug.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top