Home / Keydka Sawirada / Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo booqday Xabsi cusub oo Muqdisho laga dhisayo”Sawiro”

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo booqday Xabsi cusub oo Muqdisho laga dhisayo”Sawiro”

Talaado-January 10-01-2017—  Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibrahim iidle Suleymaan oo  ay wehliyaan Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed cali Daahir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac,Taliyaha Ciidanka  Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud,Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka  Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, Gudoomiya Maxkamdda Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa  Maanta booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo Km7 Ex Xaruntii hore ee Taliska Ciidanka Asluubta soomaaliyeed.

Xabsigan ayaa ka kooban dhismo weyn oo leh qolol Maxaabiista lagu xiro,Goobo waxbarasho oo dadka Xabsiga lagu soo xiro lagu barayo Aqoon diini maadi iyo Farsamada gacanta ,Guryo ay ku shaqeeyaan Garsoorka,meelo loogu talo galay in Maxaabiista ay ku qaataan nasiino iyo Madadaalo oo leh Goroomo kubada noocyadeeda kala duwan lagu ciyaaro  iyo baraago Dabaasha loogu talo galay,waxaana Xabsigan dhismihiisa qarashka ku baxaya bixinaya  Beesha Caalamka.

Masuuliyiinta uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleyman,  ayaa mid mid usoo maray qeybaha xabsiga uu ka kooban yahay,iyagoo xog wareystay Injineerada fulinaya Dhismaha Xabsiga.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, oo kormeerka dib Wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in Mashruuca dhismaha Xabsigan lasoo gabagabeyn doonno Bartamaha Sanadkan bilowga ah 2017,isagoo tilmaamay in Mashruucan uu qeyb ka yahay Qorshaha Horumarineed ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu wado.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa sheegay in Xabsigan Dhismhiisa gabagabada uu marayo uu   yahay Magaalo dhan oo dhaqan celin ah, isagoo meesha ka saaray in Xabsiga uu noqon doonno Goob maxaabiista lagu ciqaabo.

Bartmaha Sanadkan 2017 ayaa lasoo gabagabeynayaa Wajiga koowaad ee Dhismaha Xabsigan,iyadoo markaasi kadib la guda gali doonno wajiga labaad ee Mashruucan, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaana sheegay in qorshaha uu yahay in dhammaan Xabsiyadda Dalka dib loo howlgalin doonno.

20170110_094904 20170110_094907 20170110_095049 20170110_095125 20170110_095450 20170110_095530 20170110_095621 20170110_095625 20170110_095753(0) 20170110_095900 20170110_100521 20170110_100827 20170110_101026 20170110_101055 20170110_101217 20170110_101322 20170110_101610 20170110_112957

—-Dhammaad—

Xafiiska Warfaafinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Email:- Asluub.media@gmail.com

Muqdisho-Soomaaliya.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top