Home / Somali News / Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta la dooranayo

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta la dooranayo

Muqdisho–KNN– Xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ka dhaceysa Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa u Sharaxan Afar Mas’uul oo uu ku jiro Guddoomiyihii Baarlamaanka Waqtigiisii uu dhamaaday Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Doorashada Maanta ayaa ah mid aad u adag,waxaana ka qeyb geli doona Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Sidoo kale waxaa sib weyn loo adkeeyay Ammaanka Magaalada Muqdisho,waxaana Xiran Wadooyin Muhiim ah oo ay ku jiraan kuwo aan horay loo xiri jirin loomana Ogola Gaadiidka,balse Dadka ayaa lagtooda Maalaya.

Sidoo kale Berri ayaa la filayaa in ay dhacdo Doorashada Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad  iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top