Home / Somali News / Muwaadin Soomaali ah oo Markii ugu Horeysay ka mid noqday Wasiirada Canada

Muwaadin Soomaali ah oo Markii ugu Horeysay ka mid noqday Wasiirada Canada

Ahmed Hussen oo ah nin asalkiisu yahay Soomaali ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalka Canada.

Isku shaan-dheyn uu maanta golahiisa wasiirada ku sameeyey Ra’isul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayuu Ahmed Hussen ku badalay wasiirki hore ee socdaalka John McCallum, kaasi oo loo magacaabay safiirka Canada u fadhin doona dalka Shiinaha.

Ahmed, ayaa noqday qofki ugu horeeyey oo Soomaali ah oo gala baarlamaanka Canada sanadki 2015-kii.Wuxuu markaasi kasoo galay baarlamanka xaafada York South-Weston ee magaalada Toronto.

Hadda wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo jago wasiir ka qabta mid ka mid ah Dowladaha waaweyn ee caalamka.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top