Home / Somali News / C/wali Sheekh Ibraahin Muudeey oo ku Guuleystay Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Baarlamaanka

C/wali Sheekh Ibraahin Muudeey oo ku Guuleystay Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Baarlamaanka

Muqdisho–KNN–Waxaa Hadda la soo gaba gabeeyay Tirinta Codkii ay dhiibteen Xildhibaanada Soomaaliya islamarkaana ay ugu Codeyneyeen Xildhibaan C/wali Sheekh Ibraahin Muudeey iyo Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo isugu soo haray u Tartanka Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka.

Tiro hor dhac ah oo ay heshay Warbaahinta Kulmiye ayaa sheegaya in Xildhibaan C/wali Sheekh Ibraahin Muudeey uu helay Codad dhan 164, waxaana sidaa uu ku noqday Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Baarlamaanka.

Sidoo kale Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa asna helay 93 Cod.

Inkastoo Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka aysan ku dhawaaqin Natiijada ayaa Cododka ugu badan waxaa helay Xildhibaan Muudeey.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top