Home / Somali News / Dhageyso:- Wafdigii ka socday Galmudug ee Gadoon gaaray oo kala qaadaya Maleeshiyadii Dagaalamay

Dhageyso:- Wafdigii ka socday Galmudug ee Gadoon gaaray oo kala qaadaya Maleeshiyadii Dagaalamay

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug Axmed Mire Cali oo ka mid ah Wafdiga ka tirsan Galmudug ee Maanta gaaray Degaanka gadoon ee Gobolka galgadduud oo Wareysi siiyay Radiokulmiye ayaa faah-faahin ka bixiyay Ujeedka Socdaalka iyo waxii u qabsoomay.

Axmed Mire Cali ayaa sheegay in Degaanka Gadoon ay kula kulmeen Odayaasha Degaanka iyo Dhinacyadii Dagaalamay oo hadda ay la joogaan mid kamid ah Dhinacyadii Dagaalamay.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay ku rajo weyn yihiin in ay kala qaadaan Maleeshiyada Dagaalamay islamarkaana ay hadda wadaan Xalinta Arrintaas.

Dagaalkii Shalay ka dhacay Degaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan Afar Qof.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top