Home / Somali News / Doorashada Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo bilaabatay

Doorashada Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo bilaabatay

Muqdisho–KNN–Doorashada Guddoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2 -aad ee Golaha shacabka ayaa ka bilaabatay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho, kulanka, ayaa waxaa shir Guddoominaya xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ah guddoomiyaha KMG ah.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka golaha shacabka xilhibaan Dr C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in doorashada labada guddoomiye ku xigeen Hal Mar la wada Codeyn doono,taas oo micinaheedu yahay in xildhibaanka labo warqadood loo dhiibi doono si waqtiga looga faa’ideysto.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Marka ay doortaan Guddoomiye Kuxigeenada Kulamada ku xiga waxaa lagu wadaa in ay ku shaacin doonaan Xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxtinimo ee Dalka.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top