Home / Somali News / Wafdi ka socda Galmudug oo tagay Degaanka Gadoon oo Shalay lagu Dagaalamay

Wafdi ka socda Galmudug oo tagay Degaanka Gadoon oo Shalay lagu Dagaalamay

Gadoon–KNN–Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug oo isugu jira Wasiirro iyo Saraakiil Ciidan ayaa Goor dhaw gaaray Degaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo Shalay uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Labo Beelood oo dhimasho iyo Dhaawac Sababay.

Afhayeenka Maamulka Galmudug C/llaahi Xaashi Faarax oo ka mid ah Wafdiga ayaa sheegay in Degaanka Gadoon ay u tageen sidii Xal looga gaari lahaa Dagaalkii Shalay ka dhacay Degaanka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa Xusay in halkaas ay ku soo dhaweeyeen Odayaasha Degaanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top