Home / Somali News / Xiisad Saakay ka taagan Magaalada Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud

Xiisad Saakay ka taagan Magaalada Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud

Caabudwaaq–KNN–Wararka ka imaanaya Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saaka Magaalada ay ka jirto Xiisad dagaal oo u dhexeysa Labo Maleeshiyo oo Magaalada wada dega.

Degmada ayaa Shalay waxaa ka dhacay Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo, waxaana ku dhintay illaa 6 Ruux,halka in ka badan 10 kale ay ku dhaawacmeen.

Odayaasha Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa wada dadaalo lagu Xalinayo Xiisadda islamarkaana looga hortagayo dagaal mar kale dhaca.

Dagaalka Degmada ka dhacay ayaa ah mid ku soo laab laabtay Sanadihii dambe,mana jirto Xal waara oo Dagaalkaas laga gaaray.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top