Home / Somali News / Dhageyso:- Heshiis laga gaaray Dagaalkii ka dhacay Degaanka Gadoon Ee Gobolka Galgaduud

Dhageyso:- Heshiis laga gaaray Dagaalkii ka dhacay Degaanka Gadoon Ee Gobolka Galgaduud

Gadoon–KNN– Waxaa Heshiis hor dhac ah laga gaaray Dagaal ka dhacay Degaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud islamarkaana dhexmaray Labo Maleeshiyo Beeleed oo wada dega Degaankaas.

Heshiiska ay wada gaareen Dhinacyada ku Dagaalamay Gadoon ayaa waxaa Garwadeen ka ahaa Wasiirro ka tirsan Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 21-aad.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug Axmed Cali Mire ayaa sheegay in ay Nabad kala dhexdhigeen Beelihii Dagaalamay islamarkaana ay hadda ku rajo weyn yihiin in Dagaal kale uusan dhicin.

Sidoo kale Waxgaradka Labada dhinac ee Degaanka Gadoon ku dagaalamay ayaa soo dhaweeyay Heshiiska ay wada gaareen.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codadka Waxgaradka

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top