Home / Somali News / Xildhibaanno ka tirsan galmudug oo loo diiday in ay Cadaado ku Shiraan

Xildhibaanno ka tirsan galmudug oo loo diiday in ay Cadaado ku Shiraan

Cadaado–KNN–Wararka ka imaanaya Magaalada cadaado oo xarun KMG u ah Galmudug ayaa sheegaya in Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka ee ku sugan Cadaado ay Maanta diideen in ay kulmaan Xildhibaanadii Xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaan C/rashiid oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa shegay in Hotel lagu Magacaabo Central oo ay Xildhibaanadu qado ku lahaayeen loo diiday in ay galaan islamarkaana Ciidanka uu soo diray C/kariin Xuseen Guuleed sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanno ka tirsan Galmudug oo gaaraya 54 Mudane ayaa Xilkii ka qaaday dhawaan C/kariin Xuseen Guuleed oo ay ku Eedeeyeen wax qabad la’aan,balse Madaxweyne Guuleed wuu ka soo horjeestay Xilka laga qaaday.

Beesha Caalamka iyo Hogaamiyaasha madasha Wada-tashiga qaran ayaa sheegay in ay ka digeyaan Qalalaase Siyaasadeed oo ka dhaca Galmudug.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top