Home / Somali News / Guddoomiye Jawaari oo beeniyay inuu Qadka Taleefanka uga qeyb galay Shir ay yeesheen Madasha

Guddoomiye Jawaari oo beeniyay inuu Qadka Taleefanka uga qeyb galay Shir ay yeesheen Madasha

Muqdisho–KNN– War Qoraal ah oo la soo dhigay Barta Twitter-ka islamarkaana la sheegay inuu ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa lagu beeniyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka qeyb galay Shir Qadka Taleefanka lagu qabtay oo ay yeesheen Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran.

Warka ayaa lagu sheegay in Xilligaan aysan jirin Wax la yiraado Madal wada-tashi oo uu dhacay Waqtigeedii islamarkaana uu hadda Dalka Baarlamaan ka jiro,Baarlamaankuna uu badalay.

Warsaxaafadeedkii ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug oo lagu sheegay in Madashu ay shireen ayaa ahaa mid looga hadlay Xaaladda hadda ka jirta Galmudug,inkastoo Guddoomiye Jawaari uu beeniyay inuu ka qeyb galay.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top