Home / Somali News / Madaxweynaha Gambia oo diiday inuu xilka banneeyo

Madaxweynaha Gambia oo diiday inuu xilka banneeyo

Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia, Adama Barrow ayaa dalka isaga baxay ka dib markii madaxda galbeedka Afrika ay ku fashilmeen inay Yaxya Jammeh ay la heshiiyaan.

Jammeh ayaa la weydiistay in 19-ka bishan oo xilka wareejiyo, balse wuu diiday soo jeedintaas.

Adama Barrow wuxuu la safrayaa wafdi heer gobol ah oo ka socda ECOWAS.

Waxay u safreen dalka Mali, halkaas oo la filayo in wadahadallo dheeraadka ah ay ka dhacaan.

Wakiilka Qaramada Midoobeey, Maxamed Ibnu Jambas, wuxuu u sheegay golaha amniga in ECOWAS ay raadineyso in UN loo ogolaado inay ciidamo geyso Gambia.

Wuxuu Golaha u sheegay sidoo kale, in dalalka Galbeedka Afrika ay shaki la’aan adeegsan doonaan waxkastoo ay awoodaan “si rabitaanka shacabka Gambia loo taageero”.

Waxyaabaha ay sameyndoonaan waxaa ka mid ah inay awood adeegsadaan.

Kumannaan qof oo shacab ah ayaa billaabay inay dalka Gambia ka qaxaan ayagoo ka cabsi qaba dagaal inuu dhaco.

Badankooda waxay u cararayaan dalka deriska la ah ee Senegal.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top