Home / Somali News / Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ay Gurmad u fidineyaan Dadka Abaartu hayso

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ay Gurmad u fidineyaan Dadka Abaartu hayso

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 January 2017 si rasmi ah u daahfuray biyo dhaanka wejiga labaad ee gurmadka abaaraha gobolada Dawladda Puntland.

Daahfurka qaybta 2aad ee biyo dhaamiska gurmadka baaraha gobolada  Puntland waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey gudiga Abaaraha Puntland oo isugu jira Masuuliyiin ka tirsan Goloyaasha   Puntland iyo xubno ka mida Haya’ada Biyaha, Tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo si rasmi ah u dahfuray wejiga labaad ee biyo dhaanka loofidinayo dadka abaaruhu sameyeen ayaa sheegay gurmad kani in uu ka koobnaan doono 4,000 oo booyadood taas oo la gaarsiin doono dhamaan dad ka abaaruhu saameyeen ee ku dhaqan sagaalka gobol ee  Puntland.

Sido kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Puntland ay markasta dareensan tahay lana socoto xaalada abaareed ee dalka ka jirta islamar’ahantaana ay Dawladdu u heelantahay wax ka qabashada iyo la tacaalida dadka abaartu wax yeelaysay ee reer Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu cadeeyey in ay si isku mida wax ugu qaban doonaan dhammaan Umadda Soomaaliyed ee ku soo hayaantay Dhulka  Puntland.

Dhinaca kale gudiga abaaraha  Puntland ayaa dhankooda ka warbixiyey xaalada abaareed ee dalka ka jirta waxaana ay sheegeen in guud ahaan dadka abaartu halakaysay ay u baahan yihiin wax kasta oo aasaas u ah nolosha dad iyo duunyaba oo ay ka mid yihiin Biyo, Cunto,  sidoo kale dib u dejin dadka abaarta ka soo galay magaalooyinka iyo tuulooyinka Puntland islamarkaana ay ka baxeen  xoolihii ay dhaqan jireen.

Ugu danbayn, Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa illahay u weydiiyey Inuu ka dulqaado abaarta dabada dheeraatay ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka reer Puntland , islamarkaana Madaxweynaha ayaa  Alleh ‘’SWC’’ uga beryey in uu ugu bedelo raxmadiisa.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About admin

 
Scroll To Top