Home / Somali News / Mareykanka oo ka digay weeraro Al-shabaab la damacsan yihiin dalka Kenya

Mareykanka oo ka digay weeraro Al-shabaab la damacsan yihiin dalka Kenya

Dowladda Mareykanka ayaa Kenya kaga digtay suura galnimada weeraro Al-shabaab qorsheynayaan inay ka geystaan gudaha dalka Kenya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Mareykanka.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inay jirto cabsi laga qabo weeraro Al-shabaab ka geystaan magaalooyinka dhaca xeebaha dalka Kenya.

War ka soo baxay sirdoonka Mareykanka ayaa loo gudbiyay sirdoonka dowladda Kenya, waxaana lagu wargeliyay inay jiraan xogo amaan oo la helay, kuna saabsan weeraro Al-shabaab la damacsan yihiin xeebaha dalka Kenya.

Muwaadiniinta Mareykanka ee kusugan dalka Kenya, ayaa lagu wargeliyay inay yareeyaan dhaqdhaqaaqa ay ka sameynayaan magaalooyinka dhaca dhanka xeebaha dalka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay inay heegan buuxa gelisay ciidamada dalkeeda, si looga hortago weerarada Al-shabaab damacsan yihiin inay ka geystaan gudaha dalkaasi Kenya.

Wararka iyo Barnaamijyada Radio Kulmiye si aad u dhageysato garaac

USA: 0016054755246 / 0017124329566
Switzerland: 0041445133004
UK: 00443309981135
Sweden: 0046812410569
Belgium: 003223033074

About Radio kulmiye

 
Scroll To Top