Somali News

Khasaaro ka dhashay maxaabiis ku dhex dagaalamay xabsi ku yaala dalka Ekwador.

Quito-KNN-Ku dhawaad 700 maxbuus ayaa ku eeriyootay kadib markii xabsi ku yaala dalka Ekwadoor ay ku dhex dagaalameen maxaabiis ku xirneyd.

Wararku waxay sheegayaan in maxaabiis ku xiran xabsi ku yaala magaalada Guyaaquwiil ay dhexdooda labo dhinac u kala safteen taasoo keentay inay geeriyoodaan 69 maxbuus.

Rabashadaha ayaa xoogaystay tan iyo xalay taasoo keentay inay xabsiga la wareegaan maxaabiistu, Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Ekwador ayaa sheegtay hadda xabsiga ayaa ciidamadu la wareegeen xaaladuna degantahay Illaa Sodomeeyo maxbuus oo dhaawac ah ayaa la geeyay xarumaha caafimaadka.

Sidaan oo kale dagaal maxaabiista ku dhex maray isla xabsigaan bishii September ee sanadkaan ayaa sababay dhimashada in ka badan 100 maxbuus.