Somali News

Maxaa looga hadlay shirka golaha wadatashiga Qaranka?.

Muqdisho-KNN-Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa faahfaahin waxaa uu ka baxay qodobada ay maanta shirka ugu doodeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi uu shir guddoominayay R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in madaxdu ka arrinsanayaan qodobbada ajandaha shirka, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in sii socon doona shirka inta la isla meel dhigayo dhammaan qodobbada muhiimka ah ee la xiriira doorashooyinka dalka.


Hadalka wasiir ku xigeenka ayaa imaanaya xili maanta in madaxda golaha wadatashiga Qaranka ay isku fahmi waayeen cidda looga dambeynayo masuuliyadda hoggaaminta amniga dalka.



Qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad gooleedyada ayaa R/Wasaaraha ku taageersan qorshahan, halka kuwa kalena ay ka biyo diideen.


Xogta ayaa sheegaya in habeen dambe ay isku soo laaban doonaan madaxda, islamarkaana halkaasi ka sii wadi doonaan dooda ku aadan arrimaha amniga, dardar gelinta doorashooyinka iyo jaangoyta waqtiga ay bilaabanaysa doorashada golaha Shacabka iyo xilliga ay dhammaanayso.



Waxaana markaasi kadib la filayaa in ay warmurtiyeed ay soo saaraan madaxda golaha wadatashiga Qaranka, balse lama oga natiijada ka soo bixi doonto shirka.