Somali News

Ra’iisul Wasaaraha Haiti oo ka badbaaday isku day dil.

Muqdisho-KNN-Warbaahinta Haiti ayaa sheegtay in dad aan la garanayn ay isku dayeen in ay dilaan ra’iisul wasaaraha dalkaas Ariel Henry, intii lagu guda jiray dabaaldegga sanadguuradii 218-aad ee ka soo wareegtay xornimada jamhuuriyadda oo ka dhacday waqooyiga magaalada Gonaives.


“Kadib markii Henry uu kasoo baxay macbadka lagu qabanayay xaflada, dhowr xabadood ayaa laga maqlay meel u dhow, ilaalada ayaa isla markiiba ra’iisul wasaaraha u kaxeeyay meel nabdoon” sidaas waxaa sheegay telefiishanka TeleSUR.