Somali News

Ra’iisul Wasaare Rooble oo weli kulamo looga hadlayo Doorashooyinka ka wada Dhuusamareeb.

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble Oo weli ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa weli kulamo kala duwan laqaadanaya Masuuliyiinta Maamulka Galmudug .

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulammo kala duwan waxaa uu la yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug oo uu kala hadlay xoojinta kaalintooda nabadgelyada, dib u heshiisiinta iyo doorashada dhawaantan Kabilaabaneysa Maamulka Galmidug.

Shalay ayay aheed markii Ra’iisul Wasaaha uu lakulmay Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo uu la wadaagay muhiimadda ay leedahay in guddigu ay si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta Xildhibaannimo ee yaalla Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey ballan qaadkii Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho oo daah-furan, laguna kalsoonaan karo, lana xaqiijinayo qoondada haweenka, waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, diiradana la saaro qabsoomidda doorashada.