Baydhabo-KNN-Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha, dib uhishiisiinta iyo dowladaha Hoose maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu hakiyay ilaa amar dambe Xisbiyada siyaasadeed ee doonaya in ay Xaafiisyo ka furtaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka koonfur galbeed.
Hakintaan ayaa kusoo beegmaysa, xilli horay degaanada maamulka Puntland looga hakiyay, in Xisbiyadda Siyaasadda ee dalka kajira ay xafiisyo ka furtaan, ayaga oo xiray dhammaan Xafiisyaddii ay ka furteen degagaanada maamulkaasi.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka.
