Somali News

Al-Shabaab oo qabsaday BALCAD kana baxay

Balcad-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa xalay weerar ku qaaday degmada Balcad waxaana la sheegay in ay qabsadeen Inta badan Xaafadaha degmada kadibna ay gubeen Saldhigii Booliiska ee degmadaasi.

Saraakiil katirsan Maamulka HirShabeelle ayaa KNN u xaqiijiyay in Al-shabaab ay qabsadeen Saldhigga degmada, Xarunta Gobalka, Xabsiga dhexe ee Magaalada islamarkaana ay dab qabadsiiyeen Saldhiggii Ciidamada Booliiska Balcad sidoo kalane tiro Maxaabiis ay ka sii daayeen Xabsiga degmada.

Dagaal muddo kooban socday oo u dhaxeeyay Ciidamada Milateriga iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay bartamaha magaalada balse waxaa la sheegay in Ciidamada looga adkaaday dagaalka kadibna ay Al-Shabaab maamusheen degmada. Waxaa khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay dad shacab ah sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha degmada.

Ciidamada AMISOM oo dagan qayb kamid ah degmada Balcad ayaa la sheegay in ay duqayn ku gaaracayn goobihii ay Al-shabaab ka qabsadeen ee gudaha magaalada ilaa hadana ma cado khasaaraha ka dhashay duqayntaasi.

Al-shabaab ayaa isla xalay ka baxay degmada markii ay muddo heestayn, waxaana la soo sheegayaa in agab Ciidan ay ka qaatayn Saldhigga sidoo kalane ay qalab ka qaatayn Xarunta degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.