Somali News

Guddiga qaban qaabada Aaska Marxuum Wasiir Xoosh oo faah faahin bixiyay

Wasiir ku xigeenka Wasaaradd Dastuurka Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi, sidoo kalane ah Xubin katirsan Guddiga qaban qaabada Aaska Marxuum Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa faah faahin ka bixiyay diyaar-garowga ku aadan Aas Qaran oo loo sameeyo Marxuum Xoosh.

Wasiirka ayaa sheegay in maanta ay suurta geli waysay in Maydka la keeno balse maalinta berri ah la keenayo Marxuumka. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Aaska ay ka qayb geli doonaan Madaxda Qaranka iyo mas’uuliyiin kale.

Xubno katirsan Labada Gole ee Dowladda Soomaaliya (Baarlamaanka iyo Xukuumadda) oo ku sugnaa goobtii maanta lagu hadlay ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Marxuumka waxayna sheegayn in uu ahaa mas’uul aad u wanaagsan oo shaqa badan.