Somali News

Kheyrre iyo Axmed Madoobe oo ka hadlay khilaafka DF-ka iyo Jubbaland

Kismaayo-KNN-Reysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), labada dhinac ayaa ka wada hadlay khilaafka u dhaxeeya DFS iyo Maamulka Jubbaland sidii xal loogu heli lahaa.

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Reysal Wasaare Kheyrre uu dhageestay tabashada Jubbaland ay ka qabto DF-ka Soomaaliya waxaana kadib la sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in khilaafkaas la xaliyo.

Kulankii xalay ayaa ahaa hour-dhaca is afgarad laga gaaro khilaafka Jubbaland iyo u saldhigidda doorasho xor ah oo ka dhacda degaanada Maamulka Jubbaland bisha soo socoto ee Agoosto.

DF-ka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka qabta in ay xal ka gaarto tabashada Jubabaland inkastoo aysan aheyn xaalad fudud waxyaabaha ay isku heestaan labada dhinac ee Jubbaland iyo Dowladda Soomaaliya.