Somali News

10 ruux oo xanuuno kala duwan ugu geeriyootay deegaano ka tirsan Somaliland

Hargeysa-KNN-Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay in 10 qof maalmihii la soo dhaafay ay xanuunada Shuban Biyood iyo Oof-wareen ugu geeriyoodeen deegaamo ka tirsan Buuhoodle.

Wasaaradda oo sii kala saartay dadka u geeriyoodey xanuunadaas ayaa sheegtay in sided ka mid ah ay ahaayeen caruur, halka labada kalena ay ahaayeen dad waayeel ah.

Dadka dhintay ayaa waxay sheegtay in intooda badan ay xanuunadaas ugu dhinteen degmada Wir-wir oo Buuhoodle ka tirsan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka xukuumadda Somaliland Maxamed Cabdi Xirgeeye oo maanta warbaahinta kula hadlay mabgaalada Hargeysa ayaa sidaasi sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay agaasimuhu in ka wasaarad ahaan ay ku dadaalayaan sidii gargaar caafimaad loogu fidin lahaa dadka ay soo ritaan cuduradaas, isla markaana ay talaal u samaynayaan.