Somali News

15 qof oo ku dhintay dab ka kacay suuq ku yaala magaalada Nairobi.

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Sheegaya in dab xoogan uu ka kacay suuq ku yaala bartamaha magaaladaasi.

Dadka ku nool Nairobi ayaa soo warinayo in khasaaro uu ka dhashay dabkaasi.

Warbaahinta ku taala magaalada Nairobi ayaa maanta baahiyay in  Ugu yaraan 15 qof ay ku geeriyootay dab ka kacay suuq ku yaalla magaalada Nairobi.

Sidoo kalana Waxaa sy sheegeen in ay ku dhawaacmeen ku dhawaad 50 qof,islamarkanaa waxaa la tilmaamay dabkaasi uu geystay khasaare hantiyeed.

Hayeeshee ilaa hada lama oga sababta ka dambeysay inuu dab ka kaco bartamaha suuqa ugu weyn ee ku yaala magaalada Nairobi Balse dabkani lama ogo waxa dhaliyay.

Weli dowlada Kenya ma haysan ka hadlin dabkan ka kacay suuqa ugu weyn ee magaalada Nairobi.