Uncategorized

15 Qof oo ku Geeriyootay dooni ku qalibmatay Dalka Gani.

Mas’uuliyiinta dalka Gani ayaa sheegay in ugu yaraan 15qof ay dooni kula qalibmatay galbeedka wadankaasi iyagoo saarnaa dooni ay u kaxeysteen sidii ay u gaari lahaayen xaflad aroos ah.

Sarkaal u hadlay kooxaha gurmadka dalka Gani ayaa wakalada France Press u sheegay in kooxaha gurmada ay galinkii dambe axada ay heleen digniino ku saabsan jiritaanka dooni kula qalibmatay meel u dhow degaanka Canvarandi meesha uu biyaha ku shubo wabiga Nunez waxaana la helay ilaa 15 meyd.

Sarkaalkaan waxa uu shaaca ka qaaday in ilaa hadda aysan ogeyn tirada rakaab ee doonida saarnaa waxaase uu muujiyay in ay jiri karaan dad la la’yahay.

Mowjadaha biyaha oo aad u kacsanaa ayaa la tilmaamayaa inay ka dambeysay qalibmida doonidaasi,Mas’uul degaanka shilka ka dhacay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay wali inay soconayaan baadi goobka dad kale oo la rumaysan yahay in biyaha lagu la’yahay.