Saraakiisha ammaanka dalka Burkino Faso ayaa sheegay in Tuulo dhacda dhinaca waqooyiga dalkaasi gaar ahaan soodinta dhinaca Mali ay koox hubaysan ku dileen 15 qof ugu yaraan kuwaasi oo ka qeyb galayay munaasabad ciid dhaqameed tuulada ka socotay.
Booliska ayaa sheegay inay ku baxeen Tuulada balse aysan garaneen ilaa iyo hadda kooxda sia rasmiga ah weerarka uga dambaysay.
Tuulooyinka dhinaca soodinta Mali dhaca ee dalka Burkina Faso dhowr jeer waxaa weeraray koox la rumaysan yahay inay daacad u yihiin Daacish iyo Al-qaacida.


