Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 16 qof ayaa lagu dilay dalka Colombia dhamaadkii isbuucii lasoo dhaafay tobanaan kalena waxaa lagu qasbay inay guryahoodi ka cararaan, iyadoo uu sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeya kooxaha fallaagada ah ee ku sugan bariga dalkaasi.
Milateriga Colombia ayaa sheegay in mowjadihii ugu dambeeyay ee rabshadaha ay ka dhasheen dagaalka u dhexeeya ELN iyo xubnihii hore ee Ciidamada Kacaanka Colombia (FARC) oo diiday inay ku biiraan heshiiska nabada.
Waxaa uu intaa ku daray in labada kooxood ay hadda ku dagaalamayaan gacan ku heynta ka ganacsiga daroogada ee gobolka Arauca.
Idaacad maxalli ah oo soo xiganaysa Juan Carlos Velat oo ah sarkaal ka tirsan xuquuqul insaanka oo ku sugan magaalada Tami ayaa sheegay in ay heleen warbixino sheegaya in dad rayid ah lagala baxay guryahooda oo Axadii ay dil toogasho ah ku fuliyeen xubno ka tirsan kooxaha hubeysan, iyadoo ay sii dheertahay wararka sheegaya in 50 qof la la’yahay 27 ayaa la dilay dhamaadkii todobaadka.
In kasta oo dilku hoos u dhacay ka dib heshiiskii nabadeed ee dawladdu ay 2016 la gashay FARC, rabshado ayaa weli ka jira deegaannada miyiga ah, halkaas oo kooxaha yar yar ee fallaagada ah iyo ururrada ka ganacsiga daroogada ay kula dagaallamaan