Somali News

18 Shabaab oo la dilay iyo miinooyin ay Aaseen oo laga Soo saaray Shabeelaha hoose.

Muqdisho-KNN-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Maalmihii Dambe Howlgallo qorsheysan ka waday degaanno ka mid ah Shabeellada hoose ayaa waxay ku guuleysteen in ay soo saaraan Miinooyin Al-shabaab ay ku aaseen Waddada isku xirta Dhanaane iyo Jilib Marko.

Howlgalladan oo ka dhacay degaanno ay ka mid yihiin, Dhanaane, Genershe iyo Jilib-marko ayaa waxay Ciidamadu ku dileen 18  Saraakiil iyo dagaalamayaal  ka tirsan Al-Shabaab..

Jeneraal, Axmed Aadan  Taliyaha Guutada 1-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Dowlada  ayaa sheegay in howlgalka qorsheysan ee Ciidamada Xoogga Dalka halkaasi ka fuliyeen ay ku soo saareen Miinoyin ay Al-Shabaab  ku aaseen Waddada hareeraheeda, si ay Shacabka iyo Gaadiidkoodaba ugu dhibaateeyaan.

Jeneraal, Axmed ayaa sheegay in Al-shabaab looga guuleystay howlgallada ka socda Dhulka Xeebta ah, isla markaana ay Ciidamadu dib u fureen Waddooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab.

Halkan ka Daawo Sawirada:-