Somali News

20 caruur ah oo ku geeriyootay dab qabsaday Iskuul ay dhiganayeen

Ugu yaraan 20 carruur ah oo ka dhashay qooysas danyar ah ayaa geeriyooday, kaddib markii uu dab qabsaday Iskuul xanaanada iyo barbaarinta ah oo ay dhiganayeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dowladda wadanka Niger.

“20 carruur ah ayaa ku dhintay dabkan oo aan la garaneyn waxa uu ka dhashay” ayuu yiri madaxa waaxda dab damiska Niger Colonel Bako Boubaca.

Xubin ka tirsan ururka macallimiinta Niger ayaa sheegay in Iskuulkan oo fasalladiisu ahaayeen cariishyo oo ku yaal xaafadda caanka ah ee Pays Bas ee caasimadda Niamey ay dhiganayeen ku dhawaad 800 oo arday ah oo ay ku jiraan carruur ku jirta qeybta barbaarinta carruurta.

“Dabku wuxuu u muuqday inuu ka billowday agagaarka iridda iskuulka, mana jirin irid kale oo deg-deg looga bixi karo marka ay yimaadaan xaaladaha nuucan ah, dad badan ayaa gudaha iskuulka ku go’doomay, ardaydana waxaa khasab ku noqotay inay darbiga ka boodaan si ay dabka uga baxsadaan, kuwa ku dhintana waxay u badnaayeen carruurta dugsiga xannaanada” ayuu Mounkaila Halidou.

Sarkaal kale oo ka tirsan waaxda dab damiska ayaa sheegay in 21 fasal uu dabku baabi’iyay, ayna carruurtan ku xanibnaayeen intiii uu socday.