Uncategorized

Shabaab oo weeraro ka fuliyay Shabeelaha Hoose.

Afgooye-KNN-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay weeraro ka geestay qayba ka mid ah degmooyinka gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana wararka laga helayo ay sheegayaan in uu jiro Khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay dagaalamayaasha Shabaab ay weerar ku qaadayn Fariisin ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee Sh/Hoose , weerarkaas ayaa socday ku dhawaad 30 daqiiqo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay iska difaacayn weerarka Shabaab, waxaana rasaas ay labada dhinac is dhaafsanayeen ay saameysay dadka shacabka ah.

Si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay Khasaaraha dhimashada, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkayn dagaalamayaasha Shabaab oo wata maydka Askari kaga dhintay weerarka sidoo kalane Ciidamada AMISOM ay saakay qaadayn tiro Ciidan ah oo kaga dhaawacmay dagaalka.

Sidoo kale Al-Shabaab iyo Ciidamada AMISOM ayaa ku dagaalamaya deegaanka Ambareeso oo ka tirsan degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose waxaana halkaasi degan Ciidamo kale oo ka tirsan Milatariga Uganda.

Ciidamada AMISOM ee deegaanka Ambareesa ayaa riday madaafiic badan taas oo ku dhacday meelo ka fog aagga lagu dagaalamay.

Dhinaca Kale qarax ayaa maanta ka dhacay degmada Qoryooley ee gobalka Shabeelaha , waxa uuna haleelay gaari ay saarnaayeen Ciidamada AMISOM.

Qaraxa oo ahaa miinada Nuuca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in ay ka dhacday Xaafad ka mid ah degmada qoryoolay ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Lama soo sheegin khasaaro dhimasho ah oo ka dhashay Qaraxaasi, Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay Ciidan badan ku dilayn weeraradii ay ka gesteen Shabeelaha Hoose.

Ma jirto war ka soo baxay AMISOM iyo mas’uuliyiinta gobalka oo ku aadan dagaaladii dhacay saacadihii la soo dhaafay.