Somali News

Madaxweynahii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida laga sii daayay Xabsiga

Madaxweynahii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga sii daayay xabsi ku yaala magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ku xirna tan iyo bishii August sanadkii 2018-kii.

Sii deynta Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa oo ku sugan Addis Ababa.

Mas’uulkan ayaa in muddo ah u xirnaa dowladda Itoobiya.