Muqdisho-KNN-Ambassador Francisco Madeira wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka AMISOM ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlmaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
“Doorashadii Shalay ka dhacday Muqdisho waan Ugu Hambalyeeynayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka sida wanaagsan oo ay doorashada u sameeyeen, sidoo kale waxaan guushiisa ugu hambalyeeynayaa Guddoomiyaha Cusub Maxamed Mursal” Ayuu yiri Ambassador Madeira.
Ambassador Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa shalay ku Guuleestay doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana uu ka Guuleestay Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo Wareegga ugu dambeeya ay isugu soo hareen.