Uncategorized

Kuuriyada Wuqooyi oo Gantaal cusub dul marsiisay Hawada Japan.

Muqdisho-KNN-Telefishinka Qaranka Japan ee NHK TV ayaa maanta oo jimco ah baahiyay in Kuuriyada Wuqooyi ay saakay aroortii hore Saacadda dhinaca Japan ay tijaabisay Gantaal cusub kaas oo la dul marsiiyay Hawada dalka Japan.

Wariye war ka aqriniyay Telefishinka Japan oo soo xiganaya Xoghayaha Golaha Wasiirada Japan Yoshihide Suga, ayaa sheegay in gantaalka oo laga soo tuuray degmada Sunan ee Caasimadda kuuriyada Wuqooyi ee Pyongyang uu dul maray jaziiradda Hokkaido ee waqooyiga Japan.

Mr. Suga ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali karin daandaansiga soo noqnoqday ee kaga imanaya Kuuriyada Waqooyi, isla markaana ay aad uga xun yihiin arrintani

Tijaabada Gantaalkaan ay maanta adeegsatay Kuuriyada Wuqooyi ayaa ku soo beegmeyso maalin ka dib markii ay Qaramada Midoobay ku soo rogtay Cunaqabateyn dhinaca dhaqaalaha ah dalka Kuuriyada Wuqooyi ee ku soo hor maraya Awoodda hubka Nuclear-ka ah.