Ugu yaraan 37 ruux ayaa dhimatay halka 60 kalana ay dhaawacmeen kadib weerar ka dhacay dalka Burkino Faso.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in weerarka lala bartil maamaydsaday kolonyo gawaari ah oo ay lasocdeen shaqaalo macdanta soo saara oo u dhashay dalka Canada.
Shaqaalahan ayaa ka tirsanaa shirkadda dalka Canada laga leeyahau oo macdanta ka shaqayso taas oo lagu magacaabo Semafo.
15 bilood gudahood waa weerarkii sadaxaad ee ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado shaqaalaha shirkaddan.
Wadankan ku yaalo galbeedka afrika ayaana weerarada ay kooxaha islaamiyiinta sanadihii lasoo dhaafay ka geesanayeen waxaa ku dhintay boqolaal ruux.


