Uncategorized

Ciidamada Amaanka Galmudug oo Gaalkacyo ku qabtay dad iyo Maandooriye.

Gaalkacyo-KNN-Taliska Ciidanka Booliska Magaalada Gaalkcyo ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay ku guuleesteen soo qabashada rag isticmaala maandooriyaha iyo keyd badan oo maandooriyo ah kaas oo aad looga Isticmaalayay Gaalkacyo.

Taliyaha Ciidamada Booliska Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigaan kooxo muddooyinkii u dambeeyay ay ciidamadu ku raad jogeen, kuwaasi oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidamada ayaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo kusoo qabtay dhalinyaro iyo sidoo kale waxyaabihii ay iibinayay oo Maandooriye ah halka qaarkoodna la sheegay in ay isticmaalayeen.

Taliyaha Qeybta Booliska magaalada Gaalkacyo Cawil Nuur Rooble ayaa  sheegey in howlgal ay sameeyeen ciidamada Boolisku ay baaritaano ku hayaan kooxahaasi, islamarkaana talaabo laga qaadi doono.