Uncategorized

Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo goor-dhaw gaaray magaalada Jowhar.

Jowhar-KNN-Xasan Cali Kheyrre Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay isagoo Ra’iisal Wasaare ah gaaray magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle oo ay maanta ka dhaceyso Xafladda caleema saarka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Wafdiga uu horkacayo ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga,Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,Wasiir ku xigeeno,xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa waxa uu si toos ah uu u tegey hoolka Baarlamaanka isagoo aan tegin Madaxtooyada Hirshabelle halkaa oo ay ku sugnaayeen madaxda maamul goboleedyada dalka.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa saaka soo gaaray Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koofurgalbeed, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.

Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada iyo Ra’iisal Wasaare Kheyrre ayaan ka dhaxeyn Xariir wanaagsan waxaana ay isku maan dhaafsan yihiin Khilaaf sal ku haayo qodobo ka mid ah Dastuurka, Kheyraadka iyo Arimo kale.