Somali News

Soomaali badan oo ku xayiran Garoonka diyaaradaha ee dalka Kenya

Nairobi-KNN-Waxaa maanta hakad ku jira shaqadii garoonka diyaaaraha ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana dadka ay saameenta ku yeelatay kamid ah Soomaali badan oo halkaasi socdaal ku mari lahaa (Transit). Shaqada garoonka ayaa la joojiyay waxaana la sheegay in aad loo adkeeyay amaanka Jomo Kenyatta ee dalka Kenya.

Sida lagu daabacay Daily Nation, xeritaanka shaqada Airport-ka Kenya ayaa lagu sababeeyay kadib markii ay Shaqa joojin ku dhawaaqeen Shaqaalaha garoonka, iyaga oo ka cabanaya in la musuq maasuqay habka Shaqaaleysiinta iyo Maamul xumo ay sheegeen inay ka jirto Garoonka.

Soomaali badan oo ku xayiran garoonka diyaaradaha ee Nairobi ayaa KNN u sheegay in ay habsaameen oo ay ku adkaatay in ay ka sii gudbaan ama ka baxaan garoonka diyaaraha ee Nairobi.

Shaqaalaha Garoonka Jomo Kenyatta ee dalka Kenya ayaa sameeyay shaqo joojin kadib markii ay sheegayn la musuq maasuqay bixinta shaqooyin ka banaan garoonka iyo maamul xumi ka jirta Garoonka Jomo Kenyatta.