Somali News

Al-shabaab oo odayaal ka Afduubtay degaan katirsan Galgaduud

Guriceyl-KNN-Wararka ka imaanayo degmada Guriceyl ee Gobalka Galgaduud ayaa soo sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab ay odayaal ka Afduubteen degaanka Gal-qoryaale oo hoos taga degmada Guriceyl.

Degaankaan ayaa dhanka waqooyiga bari ka xiga degmada Guriceyl waxaana soo gala dagaalamayaasha Al-shabaab ee Gobalka Galgaduud.Ilaa laba qof oo odayaal ah ayaa la sheegay in ay Al-shabaab ka Afduubteen degaanka kadib markii ay usoo dhaceen guri ay daganaayeen.

Wararka la helay ayaa sheegaya in odayaasha ay Al-shabaab ka xeesteyn ay diideyn bixinta lacago ay Al-shabaab ku soo rogeyn dadka degaanka kadib markii ay sheegayn in aysan awoodin bixinta lacagtaasi.

Odayaasha la xiray ayaa la sheegay in Al-shabaab ay geesteen degmada Ceel-buur ee Gobalka Galgaduud halkaas oo kamid ah degaanada ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab. Lama oga sida ay Al-shabaab ka yeeli doonaan dadka ay qabteen balse waxaa jira walaac xoog leh oo arintaan ku aadan.