Somali News

Diyaarado dagaaal oo dad shacab ah ku duqooyay Bariire

Bariire-KNN-Diyaarado dagaal ayaa shalay galab gantaal ku dhuftay gaari Saaruf ah oo ka soo baxay Maxkamad ay Al-shabaab ku leeyihiin degaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka la duqeeyay oo shacab ah ayaa la sheegay in shalay ay ka baxeen degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho waxayna aadeen Maxkamadda Al-shabaab ee degaanak bariire kadib markii halkaas ay Al-shabaab ugu yeerayn sida ay xaqiijiyeen ehelada dadka la dilay.

Gaariga la duqeeyay ayaa waxaa saarnaa 3 qof waxaana la sheegay in laba kamid ah ay dhintayn mid kamid ahna uu soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana saakay la keenay magaalada Muqdisho.

Dadkaan ayaa Maxkamadda Al-shabaab u aaday dood ku saabsan murun dhul oo ay kala dhaxaysa dad kale kadibna dacwadooda gaartay Al-shabaab. Ilaa hadda ma jirto cid ka hadashay arintaan oo katirsan Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha Maraykanka ee Soomaaliya ka howlgala.