Muqdisho-KNN-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka bilaabatay Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka qayb galayaan mas’uuliyiin kala duwan iyo madaxda Qaranka. Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo xaadiray Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka.
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay Munaasabadaan waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen in Kalfadhigaan ay qaban doonaan shaqooyin badan oo muhiim u ah Qaranka. Xildhibaan Malaaq dhaayow oo katirsan Golaha Shacabka ayaa warbaahinta u sheegay in Kalfadhigaan shaqooyin adag ay qaban doonaan.
Xildhibaan Fowziyo Xaaji Aadan oo hore u soo noqotay Raysal Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka uu ku jiro marxalad adag oo ay tahay in Baarlamaanka la socdaan go’aano adagna laga qaato si looga baxo walaaca dadweynaha.
“Waxaan rabnaa in aan u kuur galno dhibaatooyinka dalka, waxaa aaminsan-nahay in Kalfadhigaan oo ka badalanyahay kuwii hore” ayey tiri Fowziyo Xaaji Aadan oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka ayaa markaan waxaa ka qayb galaya dhalinyaro laga soo xulay qaybaha Bulshada iyo Jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu marti qaaday Munaasadda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka.