Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa dhagax dhiggay Maanta xarunta degmada Warta Nabadda Ee Gobolka Bnaaadir oo alshabaab ay ku qadaeen Qarax Ismiidamin ah sanadkii aan soo dhaafnay 2019.
Xarunta Dagmada Wartanabada ayaa waxaa qaraxaa ka soo gaaray burbur Baahsan .
Munaaasabad lagu dhagax dhigayay xaruntaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay gudoomiyaha gobolka banadir qaar kamid ah ku xigeenada gudomiyaha gobolka gudoomiyaha dagmada wartanabada iyo masuuliyiijn kale
Gudomiyaha Dagmada wartanabada Saynab maxamuud warsame ayaa sheegtay in marwalba ay utaaganyihiin in alshabaab ay ka ilaashtaan dagmadooda si markale aysan werar ugu soo qaadin,
Guddooomiye Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhis ballaaran lagu sameyn doono Xarunta Degmada, si loo dardargeliyo adeega shacabka ku nool Degmada Warta Nabadda ,isaga oo baaq u diray Shacabka kunool Caasimadda in ay kaalin weyn ka qaataan amniga caasimada mar uu hadlaayana waxa uu yiri
Xarunta degmada Warta Nabadda ayaa la qarxiyay 14 May ee sanadkii hore 2019, waxaana ay ka mid aheyd xarumo degmo oo dhowr ah oo ay qarxiyeen Al-Shabaab.
Qaraxaasi ayaana xusid mudan in u wax ka soo gaaray shacab halakasi ku sugaan iyo masuliyin kamid ah dagmadaasi